Blog
Doorka Adeegayaasha (Social Workers) ee Horumarinta Cadaaladda Bulshada (Social Justice)
Cadaaladda bulshadu waa mid ka mid ah mabaadi’da ugu muhiimsan ee xirfadda u adeegista bulshada (Social Workers), waxay door lama huraan ah ka ciyaaraan abuurista fursadaha sinaanta iyo caddaalad bulshada dhexdeeda, si dhamman qaybaha kaladuwan ee bulshadu u helaan adeegyada ay u baahan yihiin, gaar ahaan kuwa nugul ama la takooro.
Ujeeddadoodu waa in qof kasta lagu ixtiraamo xuquuqdiisa, loona xaqiijiyo fursad nololeed oo cadaalad ah. Maqaalkani wuxuu sharxayaa lix siyaabood oo ay adeegayasha bulshadu (social workers-ku) uga shaqeeyaan cadaaladda
1. U Doodidda Xuquuqda Dadka Nugul
Adeegayasha bulshadu waa codka dadka nugul, sida carruurta, haweenka, dadka waayeelka ah, dadka naafada ah, iyo kuwa barakacayba. Dadkaas mararka qaar waa la iloobaa ama codkooda lama maqlo. Adeegayasha bulshadu waxa ay u doodaan dadkaas si ay u helaan taageero iyo ilaalin gaar ah. Waxayla shaqeeyaan hay’adaha dowladeed, NGO-yada, iyo qaybaha kale bulshada si loo xaqiijiyo in dadka nuguli helaan adeegyada ay xaqa u leeyihiin, sida waxbarasho, daryeel caafimaad, iyo cadaalad.
2. Dhiirrigelinta Sinnaanta iyo Ka-hortagga Takoorka
Adeegayaasha bulshadu waxa ay aaminsan yihiin in qof walba uu leeyahay qiime iyo karaamo la mid ah tan dadka kale oo aan la kala sarayn, Waxay ka hortagaan nidaam kasta oo sabababi kara takoor, ha ahaato mid ku salaysan midab, qabiil ama deegaan gaar ah, Waxa ay bulshada baraan muhiimadda ay leedahay sinnaanta iyo ixtiraamka ka dhexeeya bulshada wada nool,Waxa ay la shaqeeyaan ururada bulshada hay’adaha dawladda, kuwa gaarka loo leeyahay, si loo abuuro siyaasad iyo nidaamyo loo dhan yahay oo aan cidna loogu eexanayn bulshaduna u dhantahay.
3. Ka Shaqeynta Isbeddel Nidaamsan oo Bulsho
Cadaaladda-darradu badankeed ma aha mid ku kooban shaqsiga, balse waxa ay dhexgelin kartaa dhammanba heerarka nolosha ee bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, cadaaladda sidaa darteed adeegayasha bulshadu waxa fahamsan yahay in isbeddel waara uu imaanayo marka la beddelo dhidaamyada caqabadda hufnaaanta iyo cadaaladda, waxa ay ka qayb qaatan sameynta siyaasadaha arimaha bulshada, dhiirrigelinta kheyraadka oo si cadaalad ah lagu qaybasado, iyo dib-u-habaynta hay’adaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, iyo garsoorka
4. Awood-siinta iyo Wacyigelinta Bulshada
Awood-siintu waa tiir muhiim u ah cadaaladda bulshada. U adeegayaasha bulshadu waxay dadka ka caawiyaan inay fahmaan xuquuqdooda, isla markaana ay yeeshaan kalsooni ay ku difaacaan xaqooda iyo danahooda, Waxa ay qabtaan barnaamijyo wacyigelin ah, tababaro, iyo dood furan oo ku saabsan arrimaha xuquuqda aadanaha, ilaalinta carruurta iyo haweenka. Marka bulshada la wacyigeliyo, waxa ay awoodaan inay ka hortagaan dulmiga, u doodaan caddaalada, isla markaana ay qayb ka noqdaan horumar waara ee bulshada. Awood.
Naxariis iyo Anshax Shaqo
Naxariistu waa astaanta ugu weyn ee shaqada adeegayasha bulshada (Social workers) waa inuu noqdaa qof fahmi kara xanuunka dadka kale, isla markaana u muujiyo daryeel iyo ixtiraam
Marka uu la shaqeynayo qof la kulmay dhibaato, sida tacaddi, saboolnimo, ama dhibaato kale, waa inuu ilaaliyaa sirta macmiilka, daacadna u ahaadaa shaqadiisa. Ku dhaqanka anshaxa iyo naxariistu waxay abuuraan kalsooni iyo ixtiraam bulshada dhexdeeda ah, waxayna xoojiyaan sumcadda xirfadda adeegayasha bulshada.
6. Ka Qaybqaadashada Cilmi-baarista iyo Xog-ururinta Cadaaladda Bulshada
Cilmi-baaristu waa aalad muhiim ah oo lagu gaaro cadaalad bulshada. Social workers-ku waxay xog ururiyaan si ay u fahmaan dhibaatooyinka bulshada, u ogaadaan baahiyaha jira, iyo u sameeyaan qorshayaal wax ku ool ah.
Waxay baaraan arrimo ay ka mid yihiin saboolnimada, daryeel la’aanta, tacaddiyada haweenka, iyo helitaanka adeegyada bulshada. Xogtaas ayaa caawisa dowladaha iyo hay’adaha inay go’aano xog ogaal ah qaataan.
Cilmi-baaristu waxay noqotaa saldhig lagu dhiso isbeddel waara iyo cadaalad dhab ah oo bulshada u danaynaysa
Gunaanad
U adeegaysah bulshadu waxa ay hormuud u yihiin isbeddelka bulshada, waxa ay u doodaan kuwa la dulmiyay, waxay dhiirigeliyan cadaaladda, waxa ay ka shaqeeyaan dhismaha dhidaam cadaaladeed oo ay bulshadu u dhantahay. U adeegaha bulshadu Shaqadiisu ma aha oo kaliya in uu caawiyo shaqsiyaadka, balse waa in uu beddelaa hababka iyo fikradaha bulshada ee dhalinaya caddaaladaradda, Iyadoo la adeegsanayo, aqoon iyo daacadnimadooda, social workers-ku waxay horseedaan bulsho caddaalad iyo karaamo ku dhisan. Cadaaladda bulshadu waxa ay ka bilaabataa marka qof kasta uu garwaaqsado mas’uuliyadda ka saaran horumarinta cadaaladda iyo xuquuqda dadka oo dhan.
